Waxaa uu qorshuhu yahay in 21-ka bisha Saddexaad ee Maarso ee sanadkan ay maxkamadda racfaanka go’aamiso in ay hakin doonto go’aankii maxkamadda sare ee lagu sheegay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu leeyahay aqlabiyadda baarlamaanka.
Waxaa dacwaddan racfaanka ah gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula, oo uu matalaya qareen lagu magacaabo Elisha Ongoya.
Waxaa uu ku doodaya in garsoorayaasha maxkamadda sare ay qaldameen xilli ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen go’aan uu horay u soo saaray oo ahaa in siyaasiyiinta ugu tirada badan ee golaha xeer dejinta ay yihiin kuwo isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Qareenka baarlamaanka ayaa ku doodaya in xaakinnada ay go’aan gaareen iyagoo aan falanqeyn caddeynta arrintaasi loo cuskaday.
Waxaa doodda Wetang’ula qayb ka ah in isbeheysiga Azimio La Umoja uunan hayn saxiixyada xisbiyada UDM iyo MDG oo uu sheegaya inay xubno ka yihiin.
Wetang’ula ayaa intaasi ku daray in haddii aan la hakin amarkii maxkamadda , inuu wajihi karo dacwado la xiriira dafiraadda amar maxkamadeed taasi oo sababi karta in guddoomiyaha xabsiga loo taxaabo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku adkeysanaya in xubnaha Kenya Kwanza ay yihiin 165 halka kuwa Azimio ay tiradoodu tahay 154 xubnood sidaasi awgeedna laga tira badan yahay.
Home Wararka Kenya Dacwad la xiriirta aqlabiyadda baarlamaanka oo la dhageysan doono 21-ka bisha 3-aad