Barasaabka Kirinyaga oo wax laga weydiinaya fadeexadii NYS

0
471

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay in guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ay faahfaahin doonto waxyaabaha ay ka ogtahay fadeexad horay u saameysay waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS.
Waxay ku marqaati furi doontaa xoghayihii hore ee wasaaradda dowlad wadaajinta iyo qorsheynta Peter Mangiti iyo madaxii hore ee NYS Nelson Githinji.
Waiguru ayaa ka mid ah marqaatida waaxda dacwad soo oogidda oo baaritaano ku haysay lunsashada in ka badan 791 milyan oo shilin oo sanado ka hor laga musuqmaasuqa waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada.
Mrs. Waiguru ayaa horay u soo noqotay wasiiradda dowlad wadaajinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here