Golaha wasiirrada ee dalka Kuwait ayaa isku raacay in gargaar cuno loo diro shacabka ku dhibaataysan marinka Qaza oo ay Israa’iil weerarro ka wado.
Wasiirrada ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ee ay ku dhinteen boqolaal ka mid ah dadweynaha Falastiin halka tiro kale oo dheeraad ah ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul wasaaraha Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay gaysanayaan xadgudubyo beesha caalamka laga doonayo in ay si degdeg ah uga falceliso oo ay tallaabo ka qaado.
Laga soo billaabo 10-kii bishan ugu yaraan 220 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 63 carruur ah ayaa lagu dilay duullaanka Israa’iil ee Qaza halka 1,500 kalena la dhaawacay.
Dhanka Israa’iil waxaa ka dhintay 12 ay labo carruur yihiin halka in ka badan 300 la dhaawacay.