Baringo: 14 dugsi oo ay horay u saameysay amni darro oo dib loo furay

0
174

Waxaa dib loo furay 14 ka mid ah xarumaha waxbarashada ee ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley oo horay loo xiray amni darro awgeed.
Waxaa xarumahan ka mid ah dugsiga hoose dhexe ee Kapindasm oo xirnaa ku dhawaad saddex sano.
Ardayda ayaa hadda si tartiib ah ugu soo laabanaya dugsiyada oo ay burbur gaarsiiyeen burcadda gaysata dhaca xoolaha iyo dilalka.
Hasa ahaate , howlgallo amni oo bilooyin socday iyo dayactir ballaaran oo ay sameeyeen waaxyo kala duwan ayaa horseeday in mar kale carruurta Baringo ay sii wataan waxbarashadooda.