Kalonzo oo eedeyn cusub u jeediyay maamulka Kenya Kwanza

0
365

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya Kwanza in ay ku guul darreysatay in ay nidaamiso iibinta bariiska raqiiska ah ee laga keeno dalka dibadiisa si ay beeraleyda uga ilaaliso tartan aan cadaalad ahayn.
Xilli uu ka hadlaayay magaalada Ngurubani ee ismaamulka Kirinyaga ayuu Kalonzo sheegay in maamulka madaxweyne William Ruto uu ku fashilmay in uu soo afjaro dhibaatooyinka beeralayda oo soo jiitamayay sanado badan.
Madaxa xisbiga Wiper ayaa ku eedeeyay dowladda in ay shakhsiyaadka qaar siisay shatiyo ay ku soo dhoofin karaan bariiska Pakistan in kastoo beeraleyda Mwea uu khasaare lixaad leh ka soo gaaray wax soo saarkooda sanadihii la soo dhaafay ka dib markii dad si wanaagsan isugu xiran ay suuqa ka soo buuxiyeen alaabo qiimahooda jaban yahay.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka ayaa carrabka ku dhuftay in intii uu xafiiska joogay isaga iyo madaxwaynihii hore Mwai Kibaki, ay ka shaqaynayeen sidii loo hubin lahaa biyo xireenka Thiba Dam si loo xaqiijiyo qulqulka biyaha ee xili kasta iyo kordhinta wax soo saarka bariiska.
Hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku andacoodey inay jiraan ganacsato soo dajiya bariis raqiis ah oona ku dara bariiska nooca bishooriga ee lagu beero beeraha Mwea taasoo hoos u dhigaysa tayadiisa.