Saraakiil ka kala socda hay’adaha kala duwan ee ammaanka ayaa horumar muuqda ka sameeyay sidii ay u cirib tiri lahaayeen Ciidanka Xoraynta Oromada (OLA), oo ah koox lala xiriiriyay rabshado ka dhacay ismaamullada Marsabit iyo Isiolo.
Howgalka Operesheni Ondoa Jangili ayaa la billaabay bishii Jannaayo waxayna ujeeddadiisu tahay in la dabargooyo kooxdan oo dowladda Kenya iyo tan Itoobiya ay ku eedeyeen in ay rabshado ka sameyeen gudaha labada dal.
Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja oo warbaahinta faahfaahin ka siiyay sida uu howlgalka u socdo ayaa sheegay in ay ku guulaysteen ciribtirka daroogooyiinka iyo hubka sharci darrada oo la marin jiray waddada weyn ee Isiolo iyo Marsabit xiriiriso.
Kanja ayaa sidoo kale xusay in ay gacanta ku soo dhigeen saraakiil sare ee OLA oo haatan la sugaayo in maxkamadda la soo taago.
Ficillada OLA ayaa dhibaato u geysan jiray shacabka ku nool ismaamullada Isiolo,Marsabit,Baringo,Elgeyo Marakwet iyo Turkana.