Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa madaxii hore ee fulinta ee ururka bangiyada Kenya Habil Olaka u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha fulinta ee Sanduuqa amaahda ee Hustler Fund oo loo arko mid ka mid ah mashaariicda ugu waawayn ee Kenya Kwanza.
Magacaabistan ayaa lagu daabacay wargeysga rasmiga ah ee dowladda oo ku taarikhaysan 21-kii Febraayo ee sanadkan.
Habil Olaka ayaa guddoomin doonaa Sanduuqa Hustler 3-da sano ee soo socda.
Olaka ayaa xilka kala wareegi doona Irene Muthoni oo xilka guddoomiyennimo ee Sanduuqa Hustler haysay tan iyo 21-kii Janaayo ee 2023-kii.
Tan iyo markii la billaabay bishii 11-aad ee 2022-kii, Sanduuqa Hustler ayaa loo aqoonsaday barnaamij ay ganacsatada yaryar ku helayaan deyn ay awoodaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay intii lagu guda jiray sanadguuradii 2-aad ee Sanduuqa oo la qabtay bishii 12-aad ee 2024-kii , in maamulkiisa u deymiyay lacag dhan 60 bilyan oo shillin taas oo ay qaateen Kenyaan dhan 24.6 Milyan.
Olaka ayaa lagu wadaa in uu waayo-aragnimadiisa wax uga beddelo Sanduuqan.
Xirfaddiisa xisaabaadka bangiga ayuu soo billaabay 1989-kii markii uu noqday hanti-dhowre sare oo ka tirsan shirkadda Price Waterhouse Coopers muddo afar sano ah.
Ka dib waxaa uu u wareegay bangiga Banque Indosuez Kenya oo uu ahaa hanti dhowraha gudaha muddo saddex sano ah.
Intaasi ka dib, Olaka ayaa waxaa uu noqday Agaasimaha Howlaha ee Bangiga Horumarinta Bariga Afrika muddo laba sano ah ka hor inta uusan qaban jagada madaxa fulinta ee ururka bangileyda dalka ee KBA oo uu hayay muddo 13 sano.