Kalkaaliyaasha Waqooyiga Rift Valley oo dibadbax ka dhigay Kitale

0
626

Kalkaaliyaasha ka howlgalo ismaamullada Waqooyiga Gobolka Rift Valley ayaa maanta dibadbax ka sameeyay magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia.
Waxay cabasho ka muujinayaan in ay ugu yaraan 5 sano ku shaqeynayeen qaab qandaraas ah.
Waxay dalbanayaan in dowladdu ay si joogto ah u howlgeliso.
Qaar ka mid ah kalkaaliyaashan oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa yidhi.

Saraakiishan ayaa ka shaqeeya isbitaallada dowlad deegaannada Turkana, West Pokot, Elgeyo Marakwet, Baringo, Nandi, Uasin Gishu iyo Trans Nzoia.