Kajiado: 57 haween ah oo la baray culuun kala duwan

0
651

Waxaa ismaamulka Kajiado ku qalin jabiyay 57 haween ah oo bilooyin la barayay culuunta kala duwan ee farsamada sida tolidda dharka , aqoonta kombiyuutarka iyo kuwa kale.
Haweenkan badankooda ayaan horay u helin fursad waxbarasho.
Waxay ka soo jeedaan deegaanka hoose ee Purko ee bartamaha Kajiado.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Kajiado Martin Moshisho ayaa ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay heshiis rasmi ah ula geli lahaayeen maamulka si ay uga faa’iidaystaan qandaraasyada iyo barnaamijyada maalgelinta ee ururrada.

Barnaamijka awoodsiinta dhanka waxbarashada ee dadka waawayn ee ismaamulka Kajiado oo maraya wajigiisi labaad ayaa ilaa iyo hadda waxaa ka faa’iidaystay 135 qof.