Isbitaallada gaarka ah oo hakin doono bixinta adeegyada SHA

0
834

Ururka ay ku mideysan yihiin isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka ee (RUPHA) ayaa shaaciyay in laga billaabo Isniinta soo socoto aynan bixin doonin adeegyada lagu helo caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA).
Guddoomiyaha ururkan Dr. Brian Lishenga oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si joogto ah la iskaga indha-tiray xallinta caqabadaha ku gadaaman SHA.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay halis gelinaysa nolosha bukaannada.
Dr. Lishenga ayaa xusay in boqolkiiba 54 ee isbitaallada aynan helin lacagaha caymiska .
Waxaa uu intaasi ku daray in boqolkiiba 89 ee xarumaha caafimaadka ay soo tabiyeen cilladaha barta SHA.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in boqolkiiba 83 ee maamullada isbitaallada ay cabasho ka muujiyeen in ay dhibaatooyin adag kala kulmayaan xaqiijinta in qofka bukaanka ah uu u qalmo in lagu daaweeyo caymiskan , culeysyo dhanka hannaanka ah oo jiro awgood.