Madaxweynaha dalka oo qaabilay wafdi ka socday dhiggiisa Congo

0
561

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay wafdi heer sare ah oo matalaya dhiggiisa Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi.
Ruto oo ah guddoomiyaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da ayaa xusay in ay ka wada hadleen dejinta xiisadda ka taagan bariga Congo.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in isaga iyo xubnaha wafdiga oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee DRC Lambert Mende ay isla eegeen siyaabaha looga gudbi karo xaaladda amni darro ee waddankaasi.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa wada hadal la yeeshay madaxa golaha guud ee qaramada midoobay ee UNGA Philémon Yang.
Wuxuu ku bogaadiyay hoggaaminta heshiis la gaaray sanadkii hore kaasi oo lagula tacaalaya caqabadaha caalamiga ee dhanka maamulka iyo haykalka maaliyadeed ee dunida oo uu ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Waxaa uu xusay in Kenya ay la shaqeyn doonto guddi ka kooban 10 oo loo xil saaray isbeddellada golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa si Afrika ay u hesho matalaad cadaalad ah.