Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay wajahaysa gaabad dhaqaale oo dhan 59 bilyan oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Maraykanka ay xannibtay lacagihii hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarka caalamiga ee (USAID) oo Kenya ka taageeri jirtay dhinacyo badan oo dhanka caafimaadka ah.
Xoghayaha adeegyada caafimaadka ee dalka Harry Kimtai ayaa guddiga baarlamaanka ee arrimaha caafimaadka u sheegay in sanad maaliyadeedkan ay codsadeen 426.8 bilyan oo shilin balse la siiyay 172.6 bilyan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanad maaliyadeedkan ay fulinayaan 42 mashaariic ah.