Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Taagerayaasha ODM oo u dabaal degay guusha uga soo hooyatay Bonchari

DHAGEYSO:Taagerayaasha ODM oo u dabaal degay guusha uga soo hooyatay Bonchari

Shacabka ku nool ismaamulka Kisii gaar ahaan taageerayaasha xisbiga ODM ayaa dhigay bannaan bax ay ugu dabaal degayaan in Omeke Robert Obwoto uu ku soo baxay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaan baarlamaneedka Bonchari.
Waxay sheegeen in ay rajeynayaan in mudanaha la doortay uu wax badan ka qabto dhanka horumarka.
Dhallinyarada ayaa ka codsaday inuu si gaar ah uga caawiyo helidda shaqooyin si ay u wanaajiyaan noloshooda

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa laga soo xigtay in musharraxan oo matalayay ODM uu helay codad gaaraya 8,049 halka Zebedeo Opore oo ka tirsan Jubilee uu soo hooyay 7,279 oo codad ah.
Waxaa nambarka saddexaad soo gashay Teresa Oroo oo matalaysay xisbiga UDA waxayna heshay 6,964 oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.
Kursi baarlamaneedka Bonchari ayaa bannaanaday ka dib geeridii bishii labaad ee sanadkan ku timid Oroo Oyio oo ka tirsanaa golaha qaran ee xeer dejinta.
Xisbiga ODM ayaa bayaan uu saaka soo saaray ugu hambalyeeyay Omeke Robert .
Waxaa uu xisbigu sidoo kale u mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa , madaxda siyaasadeed, dhallinyarada iyo wakiillada si dhow ula socday codeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments