Xildhibaanka Bariga Laikipia oo sheegay in madaxweynaha uu waxyaabo soo kordhiyay in kastoo uu gaabad jiro

0
299

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Laikipia ,Mwangi Kiunjuri ayaa kenyaanka kula taliyay in ay u dul qaataan madaxweynaha qaranka William Ruto iyo maamulkiisa.
Waxaa uu xusay in ay fursad u siiyaan dhaqangelinta ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada.
Mwangi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dr. Ruto uu waxyaabo badan oo faa’iido leh soo kordhiyay in kastoo ay jiraan dhinacyo uu ku guul darreystay.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray eedeyntii madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ee ahayd in gobolka bartamaha la gacan bidixeeyay.
Xildhibaanka ayaa xusay in la gaari doono xilliga dowladda iyo madaxdeeda lagula xisaabtami doono waxqabadkooda.