Madaxa fulinta ee shirkadda sameysa ra’yi uruurinta ee InfoTrak ,Angela Ambitho ayaa beenisay in ay dhaqaale ka helaan siyaasiyiin.
Xilli ay xalay u warramaysay talefishinka maxalliga ee Citizen ayay Ms Ambitho sheegtay in shirkaddan ay tahay mid si buuxda u madax bannaan oo aan wax xiriir ah la lahayn dhinacyo siyaasadeed mise hoggaamiyaal.
Waxay intaasi ku dartay in daraasaadka ay sameeyaan ay yihiin kuwo ay shirkaddu maalgeliso iyadoo xita aynan siyaasiyiinta ka war qabin.
Dhawaan ayay ahayd markii ay shirkadda Infotrak soo saartay ra’yi uruurin ay kenyaanka ku qiimeynayeen waxqabadka ismaamulladooda iyo madaxda hoggaamiya.