Shakhsiyaad ku eedeysan burcadnimo oo lagu xiray Vihiga

0
777

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xiray labada eedeysanayaal ee ugu muhiimsan kuwaasi oo lala xiriirinaya falal burcadnnimo ah oo ka dhacay magaalada Mbale iyo deegaannada u dhow ee ismaamulka Vihiga ee Galbeedka dalka.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah Nelson Auko oo 28 sano jir ah iyo Godfrey Muyeiya oo ay da’diisu tahay 20.
Saraakiisha ayaa howlgalka fuliyay ka dib xog ay ka heleen dadweynaha waxaana tuhmaneyaasha laga soo saaray meel ay ku dhuumanayeen.
Dambi baarayaasha ayaa sheegay in ay howlgalkaasi ku soo heleen 14 ah taleefoonnada gacanta oo isugu jiro noocyo kala duwan kuwaasi oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Qaar ka mid ah milkiilayaasha taleefoonnadan ayaa sheegay in laga dhacay bishii hore.
Auko iyo Muyeiya ayaa hadda ku jiro xabsiga waxayna marayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la hor geyn.
Waaxda DCI-da ayaa shacabka ku boorrisay in ay feejignaadaan oo ay laamaha ammanka ku soo war geliyaan falal dambiyeedyada si loola tacaalo.