In ka badan 1,000 dhallinyaro ah oo doonaya in ay darawaliin ka noqdaan qurbaha

0
854

Waxaa aagga Mama Ngina ee ismaamulka Mombasa ku sugan in ka badan 1,000 dhallinyaro ah oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan fursado darawalnimo oo ka bannaan qurbaha.
Howshan ayaa billaabatay Isniintii wuxuuna qorshuhu yahay in da’yartan laga soo dhex saaro 400 oo ka mid ah.
Qaar ka mid ah dhallinyarada halkaasi tagay si loo shaqaaleysiiyo ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Mombasa Aharub Khatri iyo qaar ka mid ah wakiillada ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid dhallinyarada shaqo doonka ah looga badbaadinaya khiyaannada shirkadaha shaqaaleysiinta.