Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa saaka ka dooday isbeddel uu senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu doonaya in lagu sameeyo xeerarka arrimaha deegaanka.
Waxaa uu senatar Cabdul soo jeedinaya in wax laga beddelo xeerka ilaalinta iyo maareynta keymaha si loo dardargeliyo in dhammaan ismaamullada dalka geedo lagu abuuro.
Senatar Joyce Korir oo si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare ayaa sheegtay in hindise sharciyeedkan uu ku saabsan yahay in ismaamul kasta uu lahaado ugu yaraan hal meel oo geedaha lagu beero .
Waxay soo jeedisay in tani laga dhigo in deegaan kasta uu goobtan oo kale lahaado.
Senatar Prof. Margaret Kamar oo iyadana si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare ayaa sheegtay in senatarka Garissa uu soo jeediyay inuu jiro toddobaadka qaran ee dhir beeridda.
Balse waxay ka codsatay inuu isbeddel ku sameeyo hindisaha oo uu ka dhigo bisha qaran ee beeridda geedaha oo noqonaysa laga billaabo 15-ka bisha Saddexaad ilaa 15-ka bisha Afaraad ee April iyadoo lala jaanqaadaya xilli roobaadka.
Senatarka ismaamulka Bomet Hillary K. Sigei ayaa dhankiisa sheegay in tani aynan noqonayn geedo la beero keliya balse shaqo abuur.
Senatarka ismaamulka Wajeer Cabbaas Sheekh Maxamad ayaa dhankiisa xusay in horay uu u jiray barnaamij dhir beerid oo qasab ku ahaa qoys kasta sidaasi awgeedna la doonaya in barnaamijkaasi la soo celiyo.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in xilligan loo baahan yahay in la beero geedaha asalka ah maadaama uu sarreeya u adkeysigooda abaarta iyo cudurrada.