Siyaasiyiinta Waqooyi Bari oo gaashaanka u daruuray dhaliilaha ka dhanka ah Soomaalida

0
731

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari sida xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye iyo dhiggiisa Koonfurta Wajeer Maxamad Cadow oo shir jaraai’d qabtay ayaa carrabka ku adkeeyay in soomaalid aynan marti ku ahayn Kenya.
Maxamad Cadow ayaa sheegay in soomaalida ay weligeedba safka hore uga jirtay difaacidda qaranka.
Waxay cambaareeyeen hadallo ay dhawaan jeediyeen barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Natembeya ayaa sheegay in khatar amni oo aan laga fiirsan ay ka dhalan karto tallaabadii uu madaxweynaha qaranka William Ruto ku soo afjaray turxaan bixintii dheerayd ee la marin jiray shacabka Waqooyi Bari marka ay codsadaan aqoonsiga qaran.
Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa xusay in arrintaasi ay tahay xeelad siyaasadeed oo uu Ruto taageero uga raadsanaya shacabka gobolka Waqooyi Bari.
Siyaasiyiintan ayaa hadallada Natembeya iyo Kalonzo ku tilmaamay kuwo nasiib darro ah.