Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA, Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo waaxda garsoorka ee waddanka ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee laga soo tabiyay dhacdooyinka wax isdaba marinta ah.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in musumaasuq uu heerkiisu yahay boqolkiiba boqol uu ka jiro waaxda caafimaadka ee ismaamullada , xafiisyada guddoomiyaasha dowladda sare ku matalo ismaamullada, guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo guddiyada shaqaaleysiinta ee dowlad deegaannada.
Guddiga ayaa sheegay in dadka adeegyada u raadsaday xafiisyadan ay dantu ku qasabtay in ay lacag laaluush ah bixiyaan si wax loogu qabto.
Meelaha kale ee uu musuqmaasuqa ku badan yahay ayay EACC ku sheegtay maamulka qaran ee dhismaha ee (NCA),Adeegga Kaymaha ee KFS ,wasaaradaha Difaaca, ganacsiga iyo horumarinta iskaashatooyinka.
EACC waxaa warbixinteeda ku cad in musuqmaasuq boqolkiiba 98.2 ah uu sameeyay xafiiska sanduuqa horumarinta deegaannada ee (CDF), isbitaallada dowladda oo ah boqolkiiba (94.5%), booliiska oo ah boqolkiiba (87.2%) iyo xafiiska diiwaangelinta dadka ee laga qaato aqoonsiga qaran oo musuqmaasuqa ka dhex jiro uu yahay boqolkiiba (77.5%).
Waxaa liiska ku jiro wasaaradda dhulalka , caafimaadka, waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo shirkadda tayadhowrka badeecooyinka ee (KEBS).
EACC ayaa intaasi ku dartay in ismaamullada lagu arkay musuqmaasuqa ugu badan ay yihiin Nyamira, Baringo, Siaya, Bungoma, Turkana, West Pokot, Samburu, Nandi, Kakamega iyo Kisumu .
Guddiga ayaa xusay in isku celcelis ahaan lacagta laaluushka ee ay kenyaanka bixiyaan si loogu adeego ay sanadkii 2023-kii ahayd 11,625 shilin halka sanadkii 2022-kii lagu sheegay 6,865 oo shilin.
Ra’yi uruurintan ayay EACC ka sameysay 47-da ismaamul waxaana ka qayb qaatay qiyaastii 5,100 oo ruux.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo darasaad ay dhawaan sameysay Hay’adda Caalamiga ee Daahfurnaanta ee Transparency International lagu sheegay in Kenya ay 180 waddan ka gashay liiska 121- ee heerka musuqmaasuqa, tani ayaana u dhiganta boqolkiiba 32.