Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa dadweynaha ka codsaday in ay ku soo wargeliyaan ganacsiyada sharci darrada ah ee shidaalka ee ay ka shakiyaan.
Maamulaha dhanka kormeerka iyo fulinta amarrada ee EPRA Mr. Silas Cheboi ayaa sheegay in shacabka ay warbixin u gudbin karaan saldhigga booliiska ee ugu dhow.
Waxaa uu xusay in dadka ay iska fududeystaan balse hal haan shidaal oo qaraxday ay ka dhalan karto dhibaato wayn.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in haamaha shidaalka ay leeyihiin waqti kama dambeys ah oo loogu talagalay in la isticmaalo .
Waxaa uu ka digay in ay jiraan ganacsato birta u beddela macaamiisha iyagoo ku qalda kuwa shirkadaha lagu kalsoon yahay.
Maamulaha kormeerka iyo fulinta amarrada ee EPRA Mr. Silas Cheboi ayaa xusay in adeegsiga haamaha gaaska ee sharci darrada ah ay khatar ku tahay badqabka shacabka iyo macaamiisha sidaasi awgeedna loo baahan yahay in lala dagaallamo.
Waxaa uu tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad ku howlan ganacsigan oo aan u hoggaansamin xeerarka degsan balse laga qaadi doono tallaabada sharciyeed ee ku habboon.
Dhawaan ayay ahayd markii howlgal ay iska kaashanayeen maamulka EPRA iyo saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Tharaka Nithi lagu soo qabtay eedeysanayaal iyo 433 ah haamaha gaaska cunnada lagu karsado oo sharci darro ah.
Waxaa arrintan xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Tharaka Nithi Mr. David Gitonga oo sheegay in hadda ay socdaan baaritaano dheeraad oo ka dhan ah tuhmaneyaasha.