Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Isiolo oo sameeyay howlgal ka dhan ah maandooriyaha ayaa gacanta ku soo dhigay in ka badan 43 dhallinyaro ah.
Waxaa arrintan xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulkaasi Geoffrey Omoding.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in howlgalka sidoo kale lagu bartilmaameedsanayay burcadda iyo dadka socdo wixii ka dambeeya saqda dhexe ee habeennimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgalka uu sii socon doono si loola tacaalo falal dambiyeedyada waayihii dambe ku soo badanayay ismaamulka Isiolo.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa muujiyay shaki ah in dhallinyaradan loo xiray in ay Jimcihii ku buuqeen madaxweynaha dalka William Ruto.
Hasa ahaate,Mr. Omoding ayaa taasi beeniyay wuxuuna cadeeyay in howlgalka uu la xiriiro amarkii hoggaamiyaha qaranka ee ahaa in la cirib tiro ka ganacsiga daroogada ee gudaha dowlad deegaanka Isiolo.
Madaxweynaha dalka ayaa dhawaan sheegay in qof ajnabi ah aan laga oggolaan doonin inuu Isiolo geeyo balwad saameyn ku leh nolosha da’yarta iyo si guud bulshada.