Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta yeelanaya labo kal-fadhi .
Waxaa ay mudanayaasha eegi doonaan warbixin uu soo gudbiyay guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda ka dib turxaan bixin toddobaadkii hore lagu sameeyay garsoore Martha Koome oo loo soo xusay in ay noqoto madaxa cadaaladda ee dalka.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii uu howlgab noqday David Maraga oo afar sano hoggaaminayay waaxda garsoorka ee Kenya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi ayaa isugu yeeray kulan lagu ansaxinaya ama dhinac la iskaga dhigaya magaca Koome.
Hadii ay magacaabideeda xildhibaanada meel mariyaan , Martha Koome ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay taariikhda dalka ee qabato xilka madaxa cadaaladda.