Waxgaradka Isiolo oo madaxweynaha ka raalligeliyay buuq dhacay Jimcihii

0
296

Odayaasha bulshooyinka ku nool ismaamulka Isiolo ayaa cambaareeyay fal Jimcihii lagu buuqay mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi gaaray oo uu hor kacayay madaxweynaha dalka William Ruto.
Dhallinyarada maalinkaasi buuqa ku bartilmaameedsaday siyaasiyiinta ayaa qaar ka mid ah madaxda ka hor istaagay in ay dadweynaha la hadlaan iyadoo ay xaaladdu sidatan ahayd.

Waxgaradka ayaa dhaqankaasi ku tilmaamay mid fool xun oo aan dib uga dhici doonin Isiolo.