Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka ay awood adeegsadeen xilligii shalay la qabanayay doorashooyinka ku celiska ah ee deegaannada Juja iyo Bonchari.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ku sheegay in geeddisocodka doorashada uu fursad u siiyo codbixiyayaasha in ay muujiyaan rabitaankooda.
Waxaa uu xusay in marnaba aan loo baahneyn in danta shacabka laga hor mariyo ka shaqeynta arrimo siyaasadeed.
Mr. Odinga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u adeegaan shacabka sidaas awgeedna ay sumcadooda dhaawacayso qancinta qof leh dano siyaasadeed.
Hoggaamiyaha ODM ayaa intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la fududaysto xasiloonida jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii xilligaas oo ay heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka dib doorashooyin lagu kala qaybsamay.
Heshiiska ayaa ku qotomay xal u helidda qabyaaladda , musuqmaasuqa , doorashooyinka lagu kala qaybsamo ,xoojinta midnimada shacabka , hannaanka dowlad wadaajinta iyo amniga.
Waxaa uu ka digay in si khaldan loo adeegsado is-afgaradkii siyaasadeed ee sanado ka hor dhacay.
Mr. Odinga ayaa qoraalkiisa ku gabagabeeyay inay khasab tahay in la joojiyo fal kasta oo wax u dhimaya dimuqraadiyadda.