Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ay Kenya dalka Haiti ugu dirtay 144 sarkaal oo booliis oo dheeraad ah.
Ciidamadan ayaa ku biiraya howlgalka taageerada amni ee ay dalalka badan qaybta ka yihiin ee Haiti ee (MSSM).
Murkomen ayaa xilli uu saraakiishan la hadlayay sheegay in uu ku kalsoon yahay kartidooda si ay guul uga soo hooyaan howlgalka.
Waxaa uu wasiirka sheegay in howlgalka ka socdo dalka Haiti uu yahay mid ay taageeraysa beesha caalamka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Douglas Kanja ayaa dhankiisa sheegay in booliiska dheeraadka ah ay si dhow ula shaqeyn doonaan dhiggooda qaran ee Haiti iyo kooxaha kale ee qaybta ka ah howlgalka nabad sugidda ee MSSM .
Qaybtan ayaa ah midii Afaraad ee ay Kenya u dirto Haiti sida lagu xusay bayaan adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Waxaa gudaha Haiti kooxaha hubeysan kula dagaallamaya saraakiil kale oo ka soo jeeda dalalka Jamaica, Guatemala, El Salvador, Bahamas iyo Belize.