Ekuru Aukot: Haddii la ciqaabo dadka lunsanaya lacagaha dadweynaha, Kenya waa ay ka maarmaysa USAID

0
390

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Ekuru Aukot ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda isugu filnaan karto iyadoo aan u baahan garabka Hay’adda Horumarka Caalamiga ee Maraykanka ee (USAID).
Waxaa uu Aukot hoosta ka xarriiqay in dalka uu leeyahay dhaqaale balse sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyaal siyaasadeed oo uu hunguri hor kacaya ay boobayaan kheyraadka dadweynaha.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu sheegay in dowladda laga doonaya in ay adeegsato raasimaalkeeda si gacanta loogu dhigo kuwa ku tagriifalaya lacagaha loogu talagalay in dadweynaha loogu adeego.
Waxaa uu tilmaamay in Kenya ay hodon tahay balse keliya loo baahan yahay in la dhaqangeliyo warbixinta hanti dhowraha guud oo la ciqaabo tuugada si aan loogu baahan lacagaha USAID ee uu Maraykanka meesha ka saaray.
Tani ayaa timid ka dib markii hanti dhowraha guud ee Kenya Nancy Gathungu ay xildhibaannada baarlamaanka ku eedeysay in aynan caddeyn qaabka ay u isticmaaleen malaayiin shilin oo loogu qoondeeyay sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF).
Warbixinta waxaa ku cad in dhammaadkii sanadkii 2023-kii ilaa 7 deegaan baarlamaneed aynan lacagahan faahfaahin ka bixin mise sharraxaad ay soo gudbiyeen ay tahay mid is-dhaafsan.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay shaqo la’aan soo foodsaartay ilaa 40,000 qof oo kenyaan ah oo u shaqeynayay Hay’adda Horumarka Caalamiga ee Maraykanka ee USAID.
Shalay ayay ahayd markii ay hay’addan bayaan ku sheegtay in shaqaalaheeda ka howlgalo caalamka la fasaxaya marka laga soo reebo kuwa haya shaqooyinka aadka muhiimka u ah.