Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta socdaal ku tagay ismaamulka Garissa ayaa sheegay inuu dib u furi doono xafiiska laanta socdaalka ee Garissa si loogu adeego shacabka gobolka.
Waxaa uu sheegay inuu sidoo kale saraakiisha waaxdan ku amray in howlaha loo fududeeyo dadka doonaya in ay soo gutaan cibaadada xajka.
Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay tallaalka xoolaha iyo wanaajinta wax soo saarkooda.
Waxaa uu sheegay in haddii xoolaha aan cudurrada laga tallaalin ay hoos u dhacaysa fursadda ay Kenya u haysto in ay xoolaheeda iyo waxyaabaha laga intifaaco ay u iibgayso dalalka kale ee caalamka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO: Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu maanta furaya xafiiska waaxda socdaalka ee...