Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo jeediyay in sare loo qaado xiriirka ka dhexeya ganacsatada wadanka iyo kuwa Maraykanka.
Waxaa uu sheegay in ganacsatada yaryar ee labada wadan laga doonayo in ay si dhow u wada shaqeyaan si looga faa’iidaysto fursadaha wax soo saarka.
Mr. Kenyatta ayaa ganacsatada Maraykanka kula taliyay in ay maalgashi ballaaran ka sameeyaan gudaha dalka iyaga oo heshiisyo laga wada macaashaya la saxiixanaya dhigooda Kenya.
Waxaa uu ku celceliyay in ganacsiga uu yahay halbowlaha dhaqaalaha dal kasta.
Madaxweynaha ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu galinkii dambe ee shalay ka qayb galay kulan fogaal-arag ah oo looga halayay dib u soo nooleynta dhaqaalaha marka laga gudbo cudurka COVID19.