Trump oo hadal muran dhaliyay ka jeediyay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Netanyahu

0
130

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in Mareykanka uu la wareego Marinka Qaza ee dagaalku burburiyay ka dib markii Falastiiniyiintu ay u barakaceen dalalka deriska la ah.
Trump ayaa sheegay in ay doonayaan in ay horumariyaan dhulka Falastiniyiinta si “dadweynaha adduunka” ay halkaasi ugu noolaadaan.
Donald Trump ayaa daaha ka rogay qorshihiisa naxdinta leh mar ay isaga iyo Raa’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wada qabteen shir jaraa’id.
Shalay ayay ahayd markii uu Netanyahu ku booqday Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka halkaasi oo ay ku yeesheen kulan laba geesood ah.
Hoggaamiyahan ayaa ku dhawaaqay hadalo muran dhaliyay isagoo soo jeediyay in Falastiiniyiinta ay “jeclaan doonaan inay ka baxaan” Qaza, taasoo dhalisay cabsi laga qabo inuu taageero olole isir sifeyn ah.
Xamaas ayaa dhankeeda soo saartay bayaan ay ugu jawaabayso Trump waxaa ayna sheegtay in qorshihiisu uu yahay mid lagu abuurayo qalalaase iyo xiisad adag ee gobolka.
Waxaa ay intaasi ku dareen in dadka ku sugan Marinka Qaza aysan oggolaan doonin qorshayaashan inay meel maraan.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Washington, DC si ay u dhaleeceeyaan booqashada Netanyahu iyagoo ku eedeeyay Trump inuu Aqalka Cad ku casuumay nin dambi dagaal loo haysto.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa intii uu socday waxaa lagu dilay in ka badan 61,700 oo qof, sida lagu sheegay dib-u-eegis ay sameeyeen xafiiska warbaahinta maamulka Qaza.
Warbixinta xafiiska ayaa lagu sheegay in kumannaan qof oo la la’yahay hadda loo malaynayo inay dhinteen.