EACC oo xabsiga dhigtay sarkaalkii hore ee dambi baarista ee Likoni

0
61

Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga dhigay Madaxii hore ee Dambi-baarista ee deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Charles Onyango KA’galo.
Afhayeenka EACC Eric Ngumbi ayaa sheegay in qofkan la xiray shalay xilli uu ku sugnaa gurigiisa duleedka Oyugis.
KA’galo ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkamadda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Mombasa maanta oo Arbacada ah.
Waxaa uu halkaasi ku wajihi doonaa eedeymo la xiriira falal musuqmaasuq ah oo uu sameeyay muddadii uu xafiiska joogay.
Ngumbi ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay EACC inay wax ka qabato musuqmaasuqa dhammaan heerarka kala duwan ee adeegga bulshada.