Barasaabka ismaamulka Wajeer ee shalay la dhaariyay Axmad Cali Mukhtaar ayaa kulan la qaatay saraakiisha caafimaadka.
Waxaa kulanka ka qayb galay xoghayaha dowlad deegaankaas Mr. Cabdullahi Xasan , wasiirka caafimaadka Xuseen Sugow iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabanayaan caqabadaha dhanka adeegyada caafimaadka ee ka jiro Wajeer.
Mid ka mid ah madaxda howlwadeenada caafimaadka ee Wajeer ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen barasaabka iyo rajada ay ka qabaan fulinta qoddobada ay ku heshiiyeen