Wasaaradda caafimaadka Kenya oo war ka soo saartay Mamnuucidda Shiishada

0
333

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay in mamnuucida sigaarka Shiishada ah ee la dhaqan galiyay sanadkii 2017-kii si buuxda ay wali u sii socoto .
Iyadoo loo eegayo Xeerarka Caafimaadka Dadweynaha ayaa waxaa dalka mamnuuc ka ah , soo dejinta, iibinta iyo isticmaalka Shiishada dalka oo dhan.
Qodobka 163 ee sharciga caafimaadka dadweynaha ee la soo saaray sanadkii 2017-kii ayaa dhigaya in dembiilayaasha Shiishada ay wajihi karaan ganaax aan ka badnayn Sh50,000, xarig aan ka badnayn lix bilood, ama labadaba.
Wasaaradda caafimaadka oo ay weheliso hay’adaha kale ee dawladda ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhaqan gelinta mamnuucidda Shiishada waxayna ku boorinayaan dhammaan Kenyanka inay u hoggaansamaan awaamirtan.
Shiishada, oo ah tubaakada lagu dhex cabo tuubada biyaha, ayaa lala xiriiriyay khataro caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan cudurrada neef-mareenka, xaaladaha wadnaha.