Haweneey lagu dilay Homa Bay

0
546

Waxaa magaalada Homa Bay lagu dilay gabadh 20 sano jir ah oo ardayad ka ahayd kulliyadda Mawengo National Polytechnic ee ismaamulkasi.
Sheryl Awino oo baranaysay culuunta sahminta dhulalka ayaa la sheegay in uu dilay qof ay wada sheekeysanayeen oo sidoo kale arday ka ah isla goobtaasi waxbarasho.
Waxaa sidoo kale geeriyooday canuggii yaraa ee uurka ku sidday.
Tuhmanaha ayaa dhibbanaha toorri kaga dhuftay caloosha kadib khilaaf jaceyl oo soo dhex galay.
Qoyska Sheryl ayaa booliiska ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan eedeeysanaha.
Taliyaha booliiska waqooyiga Rachuonyo Lydia Parteyie ayaa sheegtay in dambi baarayaasha ay billaabeen raadinta tuhmanaha oo wali baxsad ah.