Lamaane ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Naivasha

0
520

Lamaane ajaanib ah ayaa naftooda ku waayay shil ay diyaarad fudud xalay gashay ka dib markii ay ku burburtay Kedong Ranch ee magaalada Naivasha.
Marcus Dunn iyo xaaskiisa Anne Dunn ayaa ku laabanayay beertooda oo ku taallo Loldia ee magaaladaasi Naivasha ee ismaamulka Nakuru markii uu shilku dhacayay.
Waxaa ay ku qaadatay saraakiisha booliiska iyo samatabbixiyeyaasha in ka badan lix saacadood inay helaan maydadka lammaanaha.
Ku xigeenka Taliyaha booliiska qaybta Naivasha Charles Mwai ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo xusay in ceeryaamo ay sababtay arag xumo taasina laga yaabo inay keentay shilka.
Waxaa uu intaasi ku daray in diyaaradda ay ku dhacday meel dooxa ah, taasoo caqabad ku noqotay gurmadka iyo soo badbaadinta labada qof.
Meydadka dadka dhintay ayaa markii dambe loo qaaday goob meydadka lagu keydiyo oo si gaar ah loo leeyahay.