Ugu yaraan 17 qof oo lagu dilay dagaalka M23 iyo militariga Congo

0
284

Dagaallada ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo DRC ee magaalada Goma ayaa sii xoogeystay iyadoo ay wali militariga ka hor tagayaan fallaagada M23.
Shalay oo Isniin ahayd maleshiyaad ay Qaramada Midoobay sheegtay inay taageerto Rwanda, ayaa gudaha u galay magaalada Goma.
Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganayso ilo caafimaad ayaa qortay in ugu yaraan 17 qof lagu dilay magaalada Goma.
AFP ayaa intaasi ku dartay in dhakhaatiirta magaalada ay daaweynayaan 367 qof oo ku dhaawacmay iska hor imaadyada.
Xubnaha bulshada rayidka ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya Goma ayaa sheegay in dhimashadu ay marayso 25 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 375 qof oo kale.
Dowladda dalka Koonfur Afrika ayaa maanta xaqiijisay in saddex ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen dagaalka shalay dhacay.
Sidoo kale, rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada Congo iyo kuwa Rwanda ayaa laga soo tabiyay labada dhinac ee xuduudka Goma u dhow.
Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay 25 kalena waa lagu dhaawacay duleedka magaalada xuduudka Rwanda ee Gisenyi, sida ay milatariga Rwanda u sheegeen warbaahinta AFP.