Eugene Wamalwa oo bogaadiyay kulankii Gachagua iyo Karua

0
397

Madaxa xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa ayaa bogaadiyay kulankii ay shalay yeesheen hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya Martha Karua iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu amaanay in labada siyaasi ay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay iskaashadaan.
Wamalwa ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid jihada wanaagsan loo qaaday oo ka dhan ah siyaasadda ku saleysan naceybka iyo kala qaybsanaanta.