Saddex nin oo lagu xiray magaalada Nairobi

0
303

Booliiska deegaanka Kilimani ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray saddex nin oo looga shakisan yahay falal dambiyeedyo khiyaamo qaran ah.
Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska waxaa ay tuhmanayaasha isku dayeen in ay mid ka mid ah macaamiishooda ka lunsadaan qiyaas lacageed oo dhan 1.2 milyan ee doollarka Mareykanka oo u dhiganta 155.4 milyan ee shilinka dalka ah.
Saddexda nin ee kala ah Rafael Ojiambo, Samuel Ayako iyo Wilfred Gitonga ayaa laga soo qabtay waddada Nyerere iyaga oo saarnaa gaari noociisa yahay Toyota NZE.
Xilliga gacanta lagu soo dhigayay ayay wareejinayeen kayd ay ku jiraan doollar faalis ah oo ay ku beddelanayeen lacag sax ah.
Xiritaanka ka dib, seddexda qof ayaa la soo taagay maxkamadda Sare ee Milimani ee magaalada Nairobi halkaas oo amar lagu bixiyay in lagu sii hayo saldhigga booliiska Kilimani illaa 27-da bishan Janaayo.
Waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da ayaa ka codsatay dadweynaha inay ka digtoonaadaan qorshayaasha taajirnimada degdega ah ee loo isticmaalo in lagu khiyaaneeyo shacabka.