Iiraan oo cambaareysay hub uu Maraykanka ka iibiyay Israa’iil

0
452

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa camnbaareeyay heshiis dhex maray Maraykanka iyo Israa’il.
Maamulka Joe Biden ayaa ansaxiyay qorsho Israa’iil looga iibinaya hub oo ku kacaya 735 milyan oo doolar.
Mr. Zarif ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Washington ay is hor taagtay qaraar golaha amniga ee qaramada midoobay uu doonayay inuu ka qaato duqeymaha Israa’iil ay ka wado Falastiin.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Maraykanka uu adeegsaday awoodiisa qayaxan ee loo yaqaano Veto Power.