Qowmiyadda Pare ee Taita Taveta oo dowladda ka codsatay in ay aqoonsato

0
429

Qowmiyadda Pare ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa codsi u dirtay madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki.
Waxay doonayaan in dowladda ay qowmiyaddam siiso aqoonsi rasmi ah.
Qowmiyaddan oo uu wakiil ka yahay xildhibaanka deegaanka Taveta John Bwire ayaa gudbisay codsiga waxayna xustay inay muddo dheer ku noolaayeen gudaha dalka sidaas awgeedna ay doonayaan in la siiyo jinsiyadda qaranka.
Codsigan ayaa barbar socda aqoonsiga rasmiga ah sanadihii u dambeeyay ay dowladda u aqoonsatay beesha Shona inay tahay qowmiyad Kenyaan ah .
Jaaliyadda Pare ayaa degta tuulooyinka ay ka midka yihiin Jipe, Mata, Marodo, Ngutini, Kitoghoto, Eldoro, Kitobo, iyo Madarasani oo ka tirsan deegaanka Taveta.
Codsigan ayaa xoogga saaraya in dadka Pare ay qayb ka ahaayeen bulshada deegaanka Taveta tan iyo wakhtiyadii hore, iyaga oo si weyn uga qayb qaatay dhaqaalaha maxalliga ah iyo midka qaranka.
Iyadoo ay taasi jirto, ayaan weli si rasmi ah loogu aqoonsan inay yihiin muwaadiniin Kenyaan ah, taasoo ka dhigeysa in laga saaro hababka muhiimka ah ee qaranka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qowmiyaddan ay horay qoraal ugu gudbisay madaxweynaha, balse aysan weli jawaab rasmi ah oo la xiriirta xaaladooda ka helin.
Xildhibaan Bwire oo ku hadlaya magaca qowmiyadda Pare ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo arrintan.
Waxaa uu dowladda ku boorriyay inay si rasmi ah u aqoonsato Pare inay yihiin qowmiyad ka mid ah qabiillada waddanka.