Madaxweynaha Maraykanka oo la hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil

0
502

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu soo warramayaa inuu khadka taleefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa bayaan ku sheegay in Biden uu Israa’iil ku boorriyay in ay sameyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinaya badbaadinta shacabka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ciidamada militariga ee Israa’iil ay maanta duqeymo ka fuliyeen marinka Qaza ee dalka Falastiin halka kooxaha Falastiin ay gantaallo soo tureen.
Ilaa iyo hadda waxaa Qaza lagu dilay ugu yaraan 212 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 61 carruur ah.
Sidoo kale duullaanka Israa’iil waxaa ku dhaawacmay 1,500 oo qof.