Waxaa xurriyadeeda dib u hehshay haweeney caan ah oo u dhalatay dalka Tanzania oo u ololeysa xuquuqul insaanka taas oo galabta lagu afduubtay magaalada Nairobi.
Waxaa siideynteeda caawa xaqiijisay madaxa ururka qareennada dalka ee LSK, Faith Odhiambo.
Mar sii horreysay ayay ahayd markii hay’adda Caalamiga ee Xuquuqul Aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ay cambaareysay afduubka haweeneydan.
Waxay hay’addu sheegtay in maanta abaare 3-dii galabnimo ,Maria Sarungi Tsehai laga afduubtay xaafadda Kilimani.
Haweeneydan ayaa u ololeysa isbeddel siyaasadeed, xuquuqda haweenka iyo in Tanzania ay ka jirto xurriyatul qowlka waxaana barteeda rasmiga ee X ku xiran ilaa 1.3 milyan oo qof.
Amnesty ayaa qoraal ku sheegtay in Maria ay afduubteen saddex rag ah oo hubeysan oo adeegsanayay baabuur madow oo nooca Toyota ah.
Home Wararka Kenya Haweeney u ololeysa xuquuqul insaanka oo lagu afduubtay Nairobi oo xurriyadeeda dib...