Waxaa ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ee dalka lagu caaleema-saaray ugaaska guud ee soomaalida ku nool dowlad deegaankaasi.
Ugaaska soomaalida ee dowlad deegaanka Lamu ayaa loo xushay Maxamad Kaalmoy Xareed.
Waxaa caleema-saarkaasi ka qayb galay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari.
Wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo keymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada soomaalida Lamu.
Barasaabka ismaamulka Lamu Issa Timamy oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowlad deegaankaasi midnimada la adkeeyay, islamarkaana ay tani muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Kenya.
Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in soomaalida Lamu in iyago wadajir isugu yimaadeen hal kulan oo ay hoggaan ku doorteen.
Barasaabka dowlad deegaanka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa sheegay in muhiim tahay in la ilaaliyo kala dambeynta iyo tixgelinta hoggaanka la doortay.