Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhaleeceyn kala kulmay shacabka ka dib markii uu jeediyay hadal ah in bulshada ay u wada istaagto sidii loo wanaajin lahaa habdhaqanka da’yarta.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay waalidiinta inay carruurtooda ku abaabiyaan anshaxa wanaagsan.
Waxaa uu sheegay in tani ay dhallinyarada ka caawinaysa in ay awood u yeeshaan inay noqdaan muwaadiniin wanaagsan.
Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqyada dhanka baraha bulshada ee looga soo horjeedo dhacdooyiinka afduubka ee dhawaan ka dhacay gudaha waddanka.