Madaxa fulinta ee Golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC, David Njengere ayaa maanta sheegay in diiwaangelinta ardayda sanadkan u fadhiisanaya imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee Grade 6 ee loo yaqaano (KPSEA) ay billaaban doonto 27-ka bishan Koowaad.
Waxaa uu intaasi ku daray in diiwaangelinta ardayda sameynaya qiimeynta fasalka 9-aad ee Grade 9 ee (KJSEA) ay billaaban doonto 17-ka bisha Labaad ee sanadkan.
Waalidiinta carruurta diiwaangelinaya ayaa laga doonaya in ay gudbiyaan lambarrada aqoonsigooda qaran si ardayda lagula socdo manhajka waxbarashada ee (CBC).
Madaxa fulinta ee KNEC ayaa dhammaan maareeyasha xarumaha imtixaanka lagu sameynaya ka codsaday in ay xaqiijiyaan in ardayda loo diiwaangeliyo maadooyinka la baraya oo dhan.
Waxaa uu cadeeyay in aynan jiri doonin fursad lagu saxo khaladaadka dhanka diiwaangelinta.
David Njengere ayaa sheegay in ardaygii aan sanadkan sida saxda ah loo diiwaangelin uu ku qasbanaan doono inuu imtixaanka u fadhiista sanadka dambe ee 2026-ka.
KNEC ayaa saadaalinaysa in imtixaanka KJSEA ay u fadhiisan doonaan 1.1 milyan oo arday ah oo sanadkii hore dhiganayay fasalka 8-aad ee Grade 8 oo hadda u gudbay Grade 9.
Waxaa uu dhanka kale qorshuhu yahay in qiimeynta ardayda fasalka 6-aad ee Grade 6 ee KPSEA lagu beddelo imtixaanka (KCPE).
Golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC ayaa sidoo kale sheegay in imtixaanka ugu dambeeya ee KCSE-da la sameyn doono sanadka 2027-ka wuxuuna cid kasta oo doonaysa in ay si buuxda ama qayb ka mid ah ku laabato ku boorriyay in ay ka faa’iidaysato fursadaha haray.
Home Wararka Kenya KNEC oo sheegtay xilliga la diiwaangelin doono ardayda sanadkan sameynaya qiimeynta KPSEA