Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu rajeynaya in Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin ay wada gaaraan heshiis xabbad joojin ah oo sidoo kale la isku dhaafsanaya maxaabiista u kala xiran dhinacyadan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aad loogu dhow yahay in is-afgaradkan la wada saxiixdo.
Militariga Israa’iil ayaa dhanka kale sheegay in magaalada Rafah laga helay meydka Yousef al-Ziyadna oo ka mid ahaa dadkii gacanta lagu dhigay.
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 45,936 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 109,274 kale.