Kenya Airways oo dib u billaabi doonto duullimaadyada tooska ah ee Angola

0
244

Dowladaha Kenya iyo Angola ayaa ku heshiiyay in ay dardargeliyaan sidii shirkadda duullimaadyada waddanka ee Kenya Airways ay diyaaradaheeda safarro toos ah ugu tagi lahaayeen magaalada Luanda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in arrintan ay hirgasho laga billaabo bisha Saddexaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay wada yeesheen madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhiggiisa Angola João Lourenço.
Labada mas’uul ayaa ku kulmay madaxtooyada dalka Angola ee caasimadda Luanda.
Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa xiriirka dibloomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan.
Sidoo kale, dowladda Angola ayaa meesha ka saari doonto in dal ku gal lagu xiro kenyaanka waddankaasi tagaya iyadoo la tixgelinaya tallaabo tani la mid ah oo ay horay Kenya u qaadday.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale dhiggiisa Angola ka codsaday inuu taageero musharraxnimada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga.