Dowladda oo ku boorrisay waalidiinta arday dhiganeysay 348 dugsi oo la xiray inay xarumo kale u wareejiyaan

0
404

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay awaamiir ku socota dhammaan waalidiinta ardayda wax ka baranaysay 348 dugsi oo leh qaybaha hooyga kuwaas oo ay dowladda xirtay bishii hore ee Diseembar.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa ku boorriyay waalidiinta dugsiyadan in ay carruutooda xarumo kale ee waxbarasho u wareejiyaan ka hor inta aan dugsiyada la furin toddobaadka dambe.
Waxaa uu xusay in dugsi kasta oo u hoggaansamin halbeegyada xaqiijinta badqabka ardayda aanan la furi doonin.
Xoghayaha ayaa sheegay in 348 xarumood ee la xiray aysan u hoggaansamin halbeegyada xaqiijinta badqabka ardayda.
Dr. Belio Kipsang ayaa intaasi ku daray in kaliya dugsiyada buuxiyay halbeegyada xaqiijinta badqabka ardayda loo oggolaan doona inay xarumahooda dib u furaan.
Iskuullada la xiray ayaa ahaa dugsiyada hoose dhexe.