In ka badan 42 qof oo lagu xiray Daanta Galbeed

0
331

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu ugu yaraan 42 ruux ku xiray Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin oo howlgallo laga fuliyay.
Waxay intaasi ku dareen in ay soo heleen hub afar ah iyo tobonaan kun oo lacag ah.
Saraakiisha difaaca ee Israa’iil ayaa xalay howlgalladan ka fuliyay meelo ay ka mid tahay magaalada Nablus.