Senatarrada aqalka sare oo fursad loo siiyay in ay akhriyaan warbixin ka dhan ah barasaabka Wajeer

0
498

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa senatarrada siiyay hal saac oo ay ku eegayaan warbixin uu soo gudbiyay guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeynayay eedeymo loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud oo lagu saleeyay xilka qaadistiisa.
Senataradda ayaa kal-fadhigooda gaarka ah dib u billaabaya 3:40 galabnimo.
Hadii caddeymo loo helo eedeymaha ka dhanka ah barasaabka Wajeer, waxaa fursad loo siinayaa inuu iska difaaco oo ay senatarrada dhageystaan.
Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa waxaa bishii hore xilka ka qaadday 37 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer .
10 wakiil ayaa ka soo horjeestay mooshinkii xilka qaadista ee laga gudbiyay.
Waxaa lagu eedeyay hab-dhaqan xumo , awoodiisa oo si aan habbooneyn uu u adeegsaday, ku takriifalka kheyraadka dadweynaha iyo sidoo kale inuu dastuurka ku xadgudbay.
Eedeymahan ayuu horay iskaga fogeeyay isaga oo ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan oo sumcadiisa lagu dhaawacaya.
Wixii qodobkan ku soo kordho waxaad ku dhagaysan doontaan wararka dambe ee idaacadda.